Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Shiraya iyo Ajandaha kulanka oo la shaaciyay

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankii ugu horeeyay ay isugu yimaadaan tan iyo markii 15-kii bishii May ay doorteen Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka oo ka dhacaya xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa ayaa ajandihiisu lagu sheegay Akhrinta xeer hoosaadka Golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaana loo diray xalay fariimo loogu sheegayay kulanka golaha maanta isugu imaanayaan, waxaana jira xildhibaano badan oo dalka dibadiisa ku maqan kuwaa oo baxay doorashada kadib.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo laga sugayo shaqooyin badan ayaan kulan yeelan tan iyo waxii ka dambeesay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=q1O-9_LnC-4

Related posts

Musharaxiinta Puntland ee booqanaya degaanka Tukaraq oo amar culus lagu soo rogay

Caydiid Ali

Dagaalyahanada Kooxda Ahlu-Sunnah Waljamaaca oo qaati laga taagan yahay

Caydiid Ali

Ciidanka DF & dadka degaanka oo saaka Al-shabaab ku weraray degaanka Max’ed Xassan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---