Allbanaadir.com
NEWS

Magaalooyinka Muqdisho iyo Konya oo Sagaal qodob iska kaashan doona (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga MR.ibrahim uğur altay ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis la xariira Walaaleynta iyo Iskashiga Labada Magaalo.

Heshiiska ay saxiixeen labada Duq magaalo ayaa dhigay in ay iska kaashadaan Sagaal qodob oo muhiim u ah wada shaqeyta iyo mataaneyta labada magaalo.

Labada magaalo ee Muqdisho iyo Konya ayaa iska kaashan doona qodobadan.

1. Maareynta qashinka iyo warshadeyntiisa
2. Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan (Public transportation ).
3. Qorsheynta Magaalada iyo hagaajinta nidaamka adress yada Magaalada guud ahaan. (urban planning and adressing system )
4. Diiwaan galinta dadweynaha (Civic registration ) .
5. Tababaradda
6. Dalxiiska
7. Isboortiga noocyadiisa kala duwan
8. Dhaqanka iyo
9. Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure ) .

 

Related posts

Goob Xaflad aroos ka socotay oo mar qura isku bedeshay dhiig iyo Murugo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Qarax la doonayay in lagu dilo Sargaal Ciidan oo la Fashiliyay 

Cabdi Cade

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---