Maxaa Farmaajo ku khasbay inuu sheego sir muddo laga kharinayay shacabka?

Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynahii hore ee Somalia ayaa markii ugu horeysay qiray in 5,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliya loo diray dalka Eritrea, si ay tababar ugu soo qaataan, waxaana uu intaa ku daray in dib u soo laabashadooda ay dib u dhacday  si looga hortago kacdoono siyaasadeed.

Qoritaanka sirta ah iyo dirida ciidamada ayaa sanadkii hore ka dhaliyay gudaha Soomaaliya mudaaharaadyo waawayn, iyadoo xubnaha qoyskooda ay ka cawdeen inaan la ogeysiin halka ay ku sugan yihiin Caruurtooda.

Farmaajo, oo  bishan ku guuldarreystay in dib loo soo doorto ayaa intaa ku daray xili uu ka hadlayay Munaasabadii uu xilka kula wareegayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  in askartu hadda dib ugu soo laaban karaan dalkooda, si ay gacan uga gaystaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Hadalkaas Farmaajo ka soo yeeray ayaa dad badan siyaaba kala duwan uga hadleen.

Dadka qaar ayaa qaba in Farmaajo danta ku kaliftay inuu meel fagaaro ah ka sheego sir mudda qarsooneyd ay keentay kadib markii uu ku guuldaraystay doorashadii dhacday 15kii May waxayna arintaas timid xili siyaasiinta diidanaa Xukunka Farmaajo ay ku eedeeyeen inuu Shacabka Soomaalida la wadaagin Ciidamada sida qarsoodiga ah loo qoray.

Ciidamada ayaa inta aan loo dirin Eritrea waxaa lagu diiwaangaliyay in loo qaadayo doono dalka Qatar si ay tababar ugu soo qaataan qaybna uga noqdaan Ciidanka ilaalinaya koobka aduunka ee 2022, laakiin arintaa ayaa goor dambe soo ifbaxday iney been ahayd  inkastoo aysan jirin ilo si dhab ah u xaqiijin karay.

Fahad Xaaji Yaasiin Agaasimahii hore Hay’adda sirdoonka Somalia NISA oo dad badan aaminsan yahiin inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay in Ciidanka loo qaado Eriterea oo warbaahinta lala wadaagin ayaa waxaa culays xoogan uu kala kulmay Siyaasiinta mucaaradka iyo Xubna ka tirsan Baarlamanka Somalia.

Eritrea ayaa ku taageertay ciidamada sida QM sheegtay dowladda Itoobiya dagaalka ay kula jirtay fallaagada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray, dagaalkaasoo qarxay dabayaaqadii 2020 laakiin Itoobiya ayaa  beenisay in askarta Soomaalida ay ka barbar dagaalameen ciidamada Dowlada.

Madaxa guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sannadkii hore ka codsaday Madaxweyne Farmaajo inuu baaritaan ku sameeyo cabashada ku saabsan in ciidamada qaranka qaarkood lagu waayay dagaallada ka socda Itoobiya laakiin ma jirin wax jawaab ah oo dhanka dowlada ka soo baxay.

Arrintaa aamusnaanta ayaa kor u sii qaaday tuhunka dowlada laga qabo ee ah in Dowladu ay wax qarinayso hase yeeshee  taliye ku-xigeen hore oo ka tirsanaa  sirdoonka Soomaaliya ayaa  sheegay  in laga yaabo in boqolaal ka mid ah ay ku dhinteen dagaalladaa.

Hadaba Feelka Ciidamadaa ee lagu wareejiyay Madaxweynaha Cusub Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dadka falanqeeya arrimaha Ciidamadu qabaan iney ku wareegsan yihiin khatara badan oo halistooda wata oo ay tahay in uu ka taxadiro Madaxweynaha Xafiiska la wareegay.

Su’aasha taagan ayaa ah Tirada saxda ah ee Ciidamada? xaqiinta in tirada Farmaajo sheegay dhamaan bad-qabaan??? iyo sababta keentay in xogta ciidankaas uu Farmaajo qariyo muddo dheer?

Waxaa Qorey: Abdirahman Ilkacase

 

 

- Advertisement -