Muhaajiriin Afduubatay Markab Biyaha dalka Liibiya kasoo bad baadiyay !!!

Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay in Markab nuuca dadka lagu bad baadiyo ay afduubteen muhaajiriin laga soo bad baadiyay biyaha dalka Liibiya ,kuwaa oo la doonayay in dib loogu celiyo dalka Liibiya.

Wasiirka Amniga gudaha ee dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa ku eedeeyay Muhaajiriin laga soo bad baadiyay biyaha dalka Liibiya in afduub sharci daro ah u geesteen Marakb soo bad baadiyay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Muhaajiriinta qaar kamid ah afduubteen Markabka kuna qasbeen in biyaha Liibiyo ka baxo, waxa uuna xusay in Muhaajiriintan ka baqayeen in dib loogu celiyo dalka Liibiya.

Rakaabka saarnaa Markabka Dalka Talyaaniga laga leeyahay ayaa lagu qasbay in uu ku xirto dekad kutaala dalka Talyaaniga, waxaana muhaajiriintii markabkaasi saarnaa lagu wareejiyay ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Dalka Talyaaniga ayaa dhawaan u diiday in dakadihiisa kusoo xirtaan labo Markab oo siday Boqolaal muhaajiriin ah, waxaana Muhaajiriintaasi markii dambe la ogolaaday in ay tagaan dalka Spain oo lagu soo dhaweeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -