Ciidamada ATMIS oo Madaafiic ku garaacay deegaan askar badan looga laayay

Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ayaa madaafiic culus ku garaacay deegaanka Ceel-Baraf ee hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay maamulaan Al Shabaab.

Tiro madaafiic ah ayaa ku dhacay xaafado katirsan deegaanka Ceel-Baraf oo inta badan dadkii degnaa isaga barakaceen ,kaddib markii Al Shabaab weerar culus kula wareegeen deegaankaasi.

Sida aan wararka ku helnay madaafiicda ayaa ku dhacday xaafado qaarkood laga maqnaa oo cidlo ahaa, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in uu jiro khasaaro madaafiicda kasoo gaaray qaar kamid ah dadka halkaasi ku harsan.

Ciidamada ATMIS ayaana madaafiicda ka tuuray degaanka Miirtuugo oon sidaa uga fogeyn Ceel-Baraf, lamana oga in madaafiicdaasi khasaaro kasoo gaaray dagaalyahanada Al Shabaab ee halkaasi jooga.

Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday horaantii bishan deegaanka Ceel-Baraf oo saldhig ciidan ku lahaayeen ciidamada Burundi, waxa ayna halkaasi ku laayeen ciidamo badan iyagoo sidoo kale ku furtay hub kala duwan iyo agab ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -