Maamulka & Mucaaradka Somaliland oo ka heshiiyey arrin khilaaf ka dhex abuurtay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ee Somaliland Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Yeeshay Kulan Muhiim u ah Somaliland oo laga heshiiyay aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala aragti duwanaa.

Waxaa kulankan saddex geesoodka ah la iskula qaatey in si mid ah loo Wadda xuso maalinta 18 May oo ah sannad guuraddii 31-aad. ee ka soo wareegtay markii Somaliland shaacisay iney ka madax banaan tahay Somalia inteeda kale

Waxaa kale oo kulankan la iskula afgartey in kulan danbe la isugu yimaado kaasoo laga arrinsanyo doorashooyinka Somaliland ee sannadkan dalka ka qorsheysan, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed Ahna Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee xisbiga külmiye oo ka war-bixiyay is fahanka kulankan laga gaadhey.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay masuuliyiin isugu jira Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna sheegay in guul laga gaadhey kulankan, dhinaca kale, Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Siyaasi Cali Maxamed Warancadde oo xilal Wasiirnimo soo qabtey ayaa kulankan hadalo ku taxaluqa kulanka iyo ahmiyadiisa halkaasi ka jeediyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -