(Akhriso) Hirshabelle oo War ka soo saartay weerarkii ciidanka ATMIS ee Ceelbaraf

Dowlad goboleedka Hirshabeelle waxay cambaareynaysaa weerarkii Talaadadii Al shabaab ku qaadeen saldhiga Ciidamada ATMIS deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Hirshabeelle waxay xanuunka la qeybsaneyso ehelada dadkii shacabka ahaa ee ku waxyeeloobay weerarkaaas

Sidoo kale Hirshabeelle waxay Dawladda iyo Shacabka Burundi uga tacsiyadaynaysaa geeridii tira kamid ah ciidamada qeybta ka ah ATMIS ee Soomaaliya u yimid in ay ka gacan siiyaan nabadaynta Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka hirshabelle oo English ku qoran

 

- Advertisement -