Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo War ka soo saaray doorashada Gudoomiyaha Aqalka sare & Ku-xigeenadiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo dib loogu doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guuddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Guddoonka Cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare in ay sii ambaqaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirrigelinaya dhammaystirka Doorashooyinka Dalka.

 

Related posts

Raísul Wasaare Xamse oo saakay labo Wasiir xilka u kala wareejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Maaliyadda oo ka qeybgalay shirka QM ee Dhaqaalaha adduunka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wiil uu dhalay Madaxweyne Biden oo Maxkamad wajahaya (Dembiyo culus oo loo heysto)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---