Cali Xarbi oo cadeeyay Sababtii ku kaliftay in uu dilo Xildhibaan Sir David Amess

Cali Xarbi Cali oo 26 jir asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse heesta dhalashada Britain ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay in uu weeraro kaddibna dilo xildhibaan  Sir David Amess  oo katirsanaa Baarlamaanka UK.,

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa xeer beegti kiiskiisa dhagaysanaysay kahor sheegay in kutala gal u dilay xildhibaanka, waxa uuna xusay in Xildhibaanka sababta uu u dilay aheyd in uu kamid ahaa xubno u codeeyay in la dhibaateeyo shacabka Siiriya.

“Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn,isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go’aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,” ayuu yiri Cali Xarbi.

Waxa uu sheegay Wiilkan Soomaaliga ah in xildhibaankan uu dilay fariin u tahay xildhibaanada kale ee saaxiibadiis ah, waxa uuna xusay in Xildhibaab Sir David uu dunnida dhaafiyay mar dambana uusan cod dhiiban doonin.

“Hadda ma uu coddeyn karoo oo codkiisa kuma dhibi karo Muslimiinta, waana farriinta aan u dirayo saaxiibbadii.” ayuu yiri Cali Xarbi oo warbixin siinayay xeerbeegti maxkameed oo kiiskiisa gacanta ku heysa.

Cali Xarbi ayaa sheegay in uu doonayay in uu shahiido oo la dilo markii uu xildhibaanka dilay kaddib, balse labo askari oo aan hubeesneen goobta yimaadeen sidaasna uu isaga dhigay tooreydii uu xildhibaanka ku dilay.

Waxa uu sheegay Cali Xarbi inuu filayo in dilka uu u geestay xildhibaan Sir David ay cashar u noqon doonto xildhibaannada kale, isla markaana ay joojin doonaan colaadda ka dhanka ah Muslimiinta.

Wiilkan Soomaaliga ah ee dilka u geestay ayaa waxaa dhalay siyaasiga Xarbi Cali Kulane oo mar soo noqday madaxii warfaafinta xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana dilka wiilkan geestay hadal heyn badan ka abuuray gudaha Britain.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -