Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo caawa Fariin u diray Madasha Wadatashiga Qaran

Qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ku booriyay madasha wadatashiga qaran in diirada saaraan sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay madasha wadatashiga qaran ay ku mideesan yihiin madaxda dowlad goboleedyada in khilaafyada ka jira doorashada si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo  si dalku uu hore ugu sii socdo.

”Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku boorinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan si dalku uu hore ugu sii socdo.” ayaa lagu yiri qoraalka caawa kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Baaqan kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xilli xildhibaanada taabacsan diideen in ay qaataan shahaadada xildhibaanimo, waxaa sidoo kale khilaaf ka jiraa xildhibaanada deegaan doorashadooda tahay magaalada Garbahaarey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaalo Soomaaliyeed oo 28 sano ka dib yeelatay Booliskii ugu horeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiilal Walaalo ah la soo badbaadiyey 9 maalin kadib, Dhul-gariirkii Türkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Shuruudo layaab leh oo lagu xiray Gabdho Wariyaal ah oo Tv-ga Dowlada qaadanayo !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---