Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay qaraxyadii Muqdisho, Al-Shabaabna ku tilmaamay..

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Qaraxa ay al-shabaab maanta oo sabti ah ka gaysatay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in argagixisadu aysan lahayn hadaf gaar ah laakiin ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay xasuuqaan oo aanay jirin cid ay dhaafayaan sida uu yiri.

Shacabka ayuu ku booriyay inay Hay’adaha amaanka la shaqeeyaan maadaama ay ku jiraan halgan adag oo Nolosha qofka Muwaadinka Soomaaliyeed ah ay ku difaacayaan.

Dhamaan Ehelada iyo qaraabada dadka halkaas ku dhintay ayuu u Tacsiyeeyay Madaxweynahu wuxuuna Caafimaad taam ah u rajeeyay dadkii goobtaas ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari ka tirsan ciidanka Imaaraadku tababaray oo qof shacab ku dilay Muqdisho

Caydiid Ali

Xeer Ilaalinta Qaranka oo Mas’uuliyiin hor leh u xirtay Musuq iyo baaris socota

Caydiid Ali

Nin dhowaan qaatay diinta Islaamka oo fuliyey weerarkii xalay ka dhacay dalka Norwey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---