Baraha bulshada ee guddiga Doorashooyinka oo mar kale lala wareegay (Akhriso)

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa mar kale shaaciyay in lala wareegay baraha bulshada ay lahaayeen guddiga doorashooyinka oo xalay mar kale gacanta guddigaasi kusoo laabtay kaddib saacado uu ka maqnaa.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa lagu shaaciyay in barihii bulshada iyo websetka ay lahaayeen guddiga ,waxa ayna qoraalkooda ku shaaciyeen in tallaabadan tahay masuuliyad daro lagu carqaladeenayo doorashada.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa cadeeyay in aysan waxba ka jirin waxii lasoo galiyo barahooda inta laga soo celinayo, waxa ayna xuseen in gudoonka guddiga doorashooyinka qaban doonaan shir jaraa’id ay ku faah faahin doonaan arrimahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -