Tirada shacabka ku dhintay dagaalka 10ka sano ka socda Siiriya oo la shaaciyey

Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in dagaalka 10-sano ka socda dalka Suuriya lagu dilay qiyaastii 350,000 oo qof oo rayid ah.

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Bachelet ayaa sheegtay in xogta tirada dhimashada la xiriirta isku dhacyada ay ka badan tahay 350,000, waxaana xogtan aruuriyay ururada bulshada rayidka iyo dowladda Suuriya.

Tirada ugu badan ee dilalka la diiwaangeliyey ayaa ka dhacay magaalada Aleppo, waxaana ku xiga miyiga magaalada caasimadda ah ee Dimishiq oo ay dad badan ku dhinteen iyo magaalooyinka, Homs, Idlib, Hama, iyo Tartus.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu ogaaday in ugu yaraan qof ka mid ah 13-kii qofba uu ahaa haween, halkaa sidoo kale ku dhawaad qof ka mid ah 13-kii qofba uu carruur ahaa.

Dagaalka Suuriya ayaa dhalisay dhibaatada ugu weyn ee qaxootiga adduunka, iyadoo lagu qiyaasay 6.8 milyan oo qaxooti iyo dad magangelyo-doon ah oo badankood ku suganyihiin dalalka deriska ah, halka 6.7 milyan oo qof oo kale ay ku barakaceen gudaha Suuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -