Dowlada Marooko oo qaaday talaabooyin adag ka dib geeridii naxdinta laheyd ee Rayaan

Dowlada Marooko ayaa qaaday talaabooyin ka dhan ah dhammaan ceelasha aan la isticmaalin ee dalkaas ku yaalla ka dib markii wiil shan jir ah uu ku xayirmay ceel, ka dibna uu dhintay.

Samatabixnta Rayaan ayaa waxay noqotay arrin toddobaad loo taagnaa balse nasiib darro lagu guul dareystay in la badbaadiyo.

Rayan Saalim, oo shan jir ahaa, waxa uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelka oo qodan 30 mitir, ka hor inta uusan ku dhicin

Arrinta Rayaan ee toddobaadkii hore ayaa waxay horseedday in malaayiin qof oo daafaha caalamka kala joogo ay dadka reer Morooko murugada la qeybsadaan.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda biyaha oo lagu magacaabo Abdelaziz Zerouali, ayaa sheegay in sahankan loogu talagalay in looga hortago in mar kale ay dhacdo musiibadii ku dhacday Rayaan.

Waxa uu sheegay in cidii qoday ceelasha ee sharciga jabisay looga baahan yahay in ay bixiyaan lacago si looga dhigo kuwa badqaba.

Waxa uu intaa ku daray in dad ka badan 1,000 qof oo reer Moroooko ah sannadkii hore loo ciqaabay qodista ceelasha sharci-darrada ah.

Iskudaygii lagu doonayay in wiilkaas godka loogaga soo saaro ayaa waxa uu soo jiitay indhaha dadka dalkaasi, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacda kala socdeen dhanka online-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -