Wararkii ugu dambeeyey dagaalo Maalintii labaad ka socda degaan hoos taga Galmudug

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa maalintii labaad ka dhacay degaano hoos taga degmada Balanabal ee gobolka Galguduud.

Sida wararku nagu soo gaarayaan dagaalka maanta oo la soo warinayo inuu ka xoog badan yahay kii shalay ayaa dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay dagaalka maanta halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo loo kala qaaday goobaha caafimaadka degaano kala duwan.

Dagaaalkan ayaa salka ku haya dilal aanooyin qabiil oo horey u dhacay ayaa la soo sheegayaa inuu qaboobay caawa fiidnimadii.

Waxgarad ka tirsan degmooyinka Balanbale iyo Guriceel oo ay ka soo kala jeedaan labada maleeshiyo beeleed ayaa wada dedaalo nabadeed oo lagy joojinayo dagaalka inkastoo aysan weli ku guuleysan.

Maamulka Galmudug oo aan weli ka hadlin dagaalkan ayaa ku mashquulsan doorashooyinka xubnaha golaha shacabka ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -