Doorasho goordhaw ka dhacday Jowhar iyo Siyaasi Caan ah oo kusoo baxay

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle ka bilaabatay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kursigii ugu horeeyay oo doorashadiisa saakay ka dhacday oo sumaddiisu tahay HOP033 waxaa kusoo baxay Siyaasiga Yuusuf Ibraahim Afrax (Kabaale) oo horey kursigaasi ugu fadhiyay mar kalana difaacday.

Yuusuf Kabaale ayaa doorashada goordhaw dhacday ka helay codad gaaraya 69-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Xuseen Sabriye uu isna heley 22 -cod, waxaana halaabay lix cod oo kale.

Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale la filayaa in goordhaw lagu doorto xildhibaano kale oo ku jirto Wasiirka gar gaarka iyo musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo la filayo in mar kale difaacato kursigeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -