Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Lamaane isqabay oo caawa lagu dilay Laascaanood & faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubaysan ayaa caawa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool dil ugu gaysatay lammaane isqabay.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in kooxdii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Dilka Lamaanahan ayaa ka dhacay xaafadda farxaskule xili ay ku sii socdeen gurigooda sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Lama oga cida dilka gaysatay dilkan iyo sababta ka dambeysay, balse waa markii labaad ee dil noocan oo kale ah uu ka dhac Laascaanood todobaadyo gudahood

Laamaha Ammaanka Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ka bilaabay howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo laguna baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay dilka.

 

Related posts

(Akhriso) Madaxwyne Deni oo qaaday talaabo ka dhan ah Golaha degaanka Boosaaso

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiirro katirsanaa maamulkiisa kuwa cusubna magacaabay

Cabdi Cade

DF oo sheegtay iney diyaar u tahay wax ka bedelka Guddiga doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---