Amniga qaranka Soomaaliya in la shakhsiyadeeyo ma sax baa ? !!

Maalinimo khamiis ah taariikhduna ay ku began tahay 20ka janaayo ,waxaa baraha bulshada wada qabsaday maqaal(qormo) uu qoray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yasiin ,taasoo ciwaan looga dhigay “haddii aad wanaag fasho waaag baa la fishaa”.

Maqaalku wuxuu dhaliyay falcelin balaaran,waxeyna bulshada u qeybsantay dhowr qeybood:kuwo la dhacay aragtida maqaalka ,kuwo diidan fariinta maqaalka iyo kuwo ka aamusay.

Waxaa shaki ku jirin in bulshada Soomaaliyeed ay fahan qaldan ka heystaan  ” Hey’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka”,taasoo sabab u ah dowladnimadii Soomaaliya oo qolfoof ahaan iyo waaqic ahaan u burburtay sanadii 1991 balse burburkaas dowladeed uu bilowday sanadii 1977 kadib markii ay awood ahaan iyo caqli ahaanba u fashilmeyn ciidankii ,sidaas darteed oo ay manta soomaalidu ugu noolyihiin firaaq siyaasadeed dhan walba leh mudo ku siman 30 sano.

Amniga Qaranka waa arrin aad u weyn oo aan lagu xeri karin hadba maamulka jira, waa in si daacadnimo iyo hufnaan ay ku jirto loo dhawraa, oo aan lagu xirin dano gaar ah iyo tixgelin ku meel gaar ah.

Waa maxay sirdoon iyo nabadsugid?

Sirdoonka ama Nabadsugiddu, waa Hay’ad dowliya, oo ka masuul ah, ilaalinta, uruurinta iyo raadinta, xogaha daahsoon, qarsoon, raadraaca iyo dabagalka arrimaha amniga, sida;  sharciga dalka, ammaanka qaranka, arrimaha ciidanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka ayaa qaabilsan ilaalinta, sirta dalka  guud ahaan, arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo kahortaga, dhagarta cadow kasta oo bannaanka  iyo kan gudahaba.

Adduunka oo dhan sirdoonku waxa uu marar badan ku shaqeeyaa qaanuunka iyo garsoorka bannaankiisa; maxaa yeelay, waxay ka shaqeeyaan aagag aan qaanuun ka shaqayn ama ka shaqayn Karin! Sidaa waxaa sameeya hay’adaha Sirdoon ee dunidda ka jira sida  CIA-da Maraykan, Mossad-da Israa’iil, GRU-da Ruushka, MI6-ta Ingiriis, RAW-da Hindiya iyo kuwa lamidka ah.

Madaxda dunida soo maray iyo kuwa ka taliyaba  waxay dhego iyo indho ka dhigtaan hay’adda sirdoon ee qarankaasi leeyahay, sababtuna waa in hay’addaa lagu aaminay una taagan-tahay ilaalinta iyo difaaca masaalixda qarankaasi leeyahay.

Dowladii kacaanka :

Sanadihii dowladii kacaanka ee ka talineysay dalka waxaa ka shaqeynayay Saddex hay’adood oo si wadajir ah uwada qabanaayay, ilaalinta iyo uruurinta xogaha sirta ah ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba :

1-        National security service “NSS”

2-        Criminal Investigative Division “CID”

3-         “Military Intelligence Unit” oo aheyd hey’ad u gaar ah ciidammada qalabka sida, oo la dhihi jiray Hay’adda Nabadgalyada Gaashaandhiga “HANGASH

 

Hey’adaha sirdoonka  dunida ugu muhiimsan :

Hadaan dunida u jaleecno dowlad kasta, waxay leedahay labo ama saddex laamood oo sirdoonka iyo daba-galka u qaabilsan, tusaale USA, (CIA, FBI iyo NSA,) waxaa ugu magacdheer CIA oo dibadda qaabilsan balse waxaa ugu halis badan NSA, daba-galka aad bay ugu dheeraysaa.

Waddanka Pakistan, wuxuu ku jiraa hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu sarreeya,

laantaas waxaa lagu magacaabaa ISI.

Waddanka Ingiriiska, waxuu leeyahay MI6 iyo MI5 oo arrimaha Sirdoonka u qaabilsan, midana waa dibadda (MI6), tan kalena (MI5) waa gudaha. Israa’iil waxaa ugu caansan MOSSAD, balse waxaa jira labo laamood oo lakala yiraahdo AMAN, oo ah sirdoonka dhaq-dhaqaaqa militari, iyo shet’bet oo gudaha qaabilsan.

Dagaalka Dowladda Ruushka iyo Dowladda Maraykanka waxaa laf-dhabar u ah Sirdoonka iyo soo gudbinta xog xaqiiqo ah. Waxuu sirdoonku kuu sahlayaa, inaad tilaabo tilaabo ula socotid cadowgaaga iyo dhaqdhaqaaqa ay waddaan, waxaadna ka hortagi kartaa, tilaabo kasta bulshada iyo karaamada waddanka lagu wax yeelaynayo.

sirdoonku waa tooshkaa ku tusaya cadowgaaga mugdiga kuugu dhakan waana lama huraan in la galiyo waqti iyo lacag badan.

AGAASIME FAHAD YASIN IYO DOORKIISII SHAQADA :

Agaasime Fahad yasin waa macquul in latuhmaayo tuhunkaasina iskugu jiri karo run iyo been, waxaase jirta arrimo aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin hay’adeed oo karti badan, wuxuuna dib u habeyn ku sameyay taliskii nabadsugida iyo sirdoonka, wuxuuna tayeyay dhismaha dharcada”ilaalada shacabka”.

Wuxuna dib u habeyn ku sameyay qeybaha kala duwan ee hey’ada, kuwaaso aan shaqeynin tan iyo burburkii qaranimada kadib.

Mudo yar oo kooban waxaa dib usoo noolaaday magacii iyo sumacadii ee hay’adda ku laheyd qaarada Afrika, waxaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo madax ah ka ah hey’adaha nabadsugida iyo sirdoonka, kana kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida.

Maxay ku shaqeyaan hey’adaha amniga qaranka?

Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa ku shaqeeya jawi qalafsan, oo afartii sano mar shaqaalaheeda guud lakala diro, taasi oo kordhisa xasilooni darida dalka, waxayna arrimahaasi ka mid yihiin caqabadaha waaweyn ee hortaagan in ay horumarto,lana jaanqaado, dhigeeda.

Su’aasha dad badani maskaxdooda ka guuxeysa ayaa ah mala kala diri donaa shaqaalaha hey’ada nabadsugida iyo sirdoonka qaranka sidii horay loo sameyay doorashadii hore, goormaase dhaqankaasi laga garaadsan donaa? Siduu noqon doonaa mustaqbalka hey’ada nissa?

Muxuu ku xeran yahay horumarka hey’ada?

Horumarka hey’ada wuxuu ku xeran yahay in la sameeyo kulliyado , machadyo ku takhasusay amniga qaranka iyo daraasaadka istaraatiijiyadeed.lana Maskaxshiilo dhalinta Soomaaliyeed ee soo kacaysa laguna hago jidka dowladnimda iyo sareynta sherciga , kaadiriin ku takhasusay dabagalka , falanqaynta iyo samaynta cilmi baaris ku saabsan isdhexgalka gobolka iyo kuwa caalamka, shaqada aqooneed iyo cilmi baariseed waa udub dhexaadka shaqada hay’adaha amniga.

HAL BACAAD LAGU LISAY :

Bulshada soomaaliyeed waxee qaati ka taagan yihiin Siyaasiiin dantooda  ku colloobay, dantoodana ku heshiin doona, dhexdoodana ay ku xiiqeyn guulwadayaal, waxaa igu soo dhacday oraahdii Michelle Obama oo aheyd :”In aad madaxweyne noqotaa ma beddelayso qofka aad tahay, balse waxa ay bannaanka soo dhigaysaa qofka aad tahay”

Waxaa aad usoo badanaya siyaasiyiin danley ah oo marin-habaabinaya bulshada ,una gudbinaya warbixino aan ku dhisneyn xilkasnimo ,daaacadnimo iyo wadani,nimo.

Caqliga siyaasiga soomaaliyeed waa inuu kala gartaa danaha diblomaasiyadeed ee qaranka, danaha amniga ee qaranka iyo loolanka kursiga villa Somalia dhex-yaal  .

Agaasimaha hey’ada nabadsugida iyo sirdoonka qaranka waa boos siyaasi ah oo la mid ah xubnaha golaha wasiirada, wasiirku wuxuu madax ka noqdaa wasaarad ,mudo kadibna waa ka tagaa balse jiritaanka wasaarada waxba iska ma badalo.

Waxaa aan rabaa inan dhaho golaha midowga  Murashaxiinta iyo dhamaan dadka siyaasad kujira in ay dalka iyo dadka u turaan kana daayaan in markasta hey’adaha dowlada laga bilaawo  eber {from zero} ,waa ka jiri karaan hey’adaha dowlada dhexdood dhaliilo ,musuq-maasuq baahsan ,farsamo xumi, ku-tagrifal awooded balse waxaa loo baahan yahay in aad la timaadaan qorshayaal horumarineed oo dhankasta leh.

Waxee bulshada soomaaliyeed idinka sugeysaa in Dastuurka dalka la dhammaystiro, oo afti dadwayne loo qaado, lana tayeeyo hey’adaha dowliga kuwooda ugu muhiimsan sida maxkamadda sare, lana daadejiyo federaalka, lana kobciyo waxsoorkaarka  khayraadka, Isku filnaasha buuxdana laga gaaro  Amniga qaranka, iyo hirgalinta Dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay.

Hadii aanan intaa la idinka helin waxaa wadaan waa maan guracan iyo garasho jaan.

Mahadsanidiin

W/Q  Mohamed Jiinte

Jiintecade23@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -