Feysal Cali Waraabe: “Muuse Biixi wuxuu bilaabay qabyaalad, waana ka tashaneynaa”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe  ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa

“Muuse Biixi saad ogtihiin doorashadii uu ku yimid waxay ahayd mid Somaliland kala qeybisay, oo qabiil ku kala qeybisay, muran baa ka dhashay, alxamdulillaah annaga ayaa soo afjarnay oo waxaan oggolaannay doorashada si kasta ha ahaatee, intaan danta qaranka eegnay,” ayuu yiri Muuse.

Feysal oo arrimo dhowr ah ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in madaxweynuhu bilaabay qabyaalad sidaas darteedna ay ka tashanayaan madaxtinnimadiisa.

“Dastuurka haddii aad ilaalin weydo waxaan ballan ku qaadayaa in aanad hal habeen madaxweyne sii ahaan doonin.” ayuu intaas raaciyay Feysal Waraabe

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta gudaha la hadlayay ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi inuu Somaliland u horseeday xaalad qalalaaso ah.

“Markii ugu horreysayba Madaxweyne Muuse wuxuu ina geliyay dagaal Tukaraq oo aan laga tashan, oo reer yaroo meel fadhiya nala simay, Somaliland iyo Puntland baa dagaallamaya ceeb bay nagu ahayd, intaa kaddibna wuxuu ina geliyay murankii Caarre oo jiitamay” ayuu intaa ku daray

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -