Madaxweyne Putin oo si adag uga hadlay aflagaaddeynta Nabi Muxammad NNKH

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in aflagaaddeynta Nabi Muxammad NNKH aysan marnaba qayb ka ahayn xeerka xornimada hadalka ee qof walba uu u heysto inuu fikirkiisa cabiri karo.

Putin ayaa khudbaddiisii sannadlaha ahayd ee uu jeediyay maalintii Khamiista hoosta uga xariiqay in uu taageersan yahay xorriyadda farshaxanka balse waxa uu ka digay in aysan soo dhaafin xadkeeda oo aysan ku xad gudbin xorriyado kale.

“Aflagaaddada ka dhanka ah Nabiba waxay meel uga dhaceysaa xorriyadda diimaha waxayna ku xad gudbeysaa dareenka dadka heysta diinta Islaamka,” ayuu yiri Putin, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS.

Madaxweyne Putin ayaa carrabka ku adkeeyay in ficillada noocaasoo kale ah ay kicinayaan aargoosiga kooxo xagjir ah, sida weerarkii lagu qaaday Majalladda Charlie Hebdo ee magaalada Paris kaddib markii ay daabacday sawirro kartoon ah oo lagu dhaawacayo sharafta Nabiga (NNKH).

Shacabka Ruushka ayuu ku boorriyay in ay dhammaantood isku tixgeliyaan dhaqamada iyo diimaha ay kala heystaan, isagoo intaas ku daray in waddankiisa uu yahay mid ku dhisan “dhaqamo aad u kala duwan” oo aan la mid ahayn dalalka kale ee caalamka.

Hadalka madaxweyne Putin ayaa yimid xilli sannadihii dambe ay sii badanyeen xasaradaha ka dhasha aflagaaddeynta Nabi Muxammad NNKH, taasoo ka careysiisay dad badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -