Wiil uu dhalay Sargaal Mareykan ah oo weeraray goob lagu cibaadeesto

Wiil dhalinyaro ah uu dhalay sargaal katirsan ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa weerar lagu qaaday goob kaniisad ah ay ku cibaadeestaan dad Madow ah oo u dhashay dalka Mareykanka.

Ciidamada booliiska ayaa xiray Holden Matthews oo 21 jir ah kadib markii uu rasaas ku furay kaniisad ay leeyihiin dad madaw oo ku taalla Koonfurta gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka.

Ninkan weerarka qaaday ayaa lagu soo eedeeyay sadex dacwadood oo la xariirta in uu weeraray goob cibaado waxyeelana ka geestay, waxaana weerarka uu qaaday ninkan la sheegay in uusan ka dhalan khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.

Gudoomiyaha gobolka Loyisina John Bel Edwards ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka lagu qaaday kaniisada, waxa uuna sheegay in weerarkaasi uu qaaday ruux maanlaawe ah oo naceyb ka muuqdo.

Ninka weerarka ku qaaday kaniisada ayaa baaritaano lagu sameeyay lagu ogaaday in uusan horey wax dambi ah u galin , waxaana ninkan uu katirsanaa koox heesta oo lagu magacaabo Vodka Vultures.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -