Taliska NISA oo soo saaray digniin la xiriirta khilaafka siyaaadeed ee Madaxda DF

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa ciidamada qalabka sida uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda.

Hadalka NISA ayaa ku soo beegmay xilli xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka ka dib khilaaf adag oo soo kala dhex galay madaxda sare ee DF.

“Taliska NISA wuxuu ku howlan-yahay sugidda amniga. Wuxuuna ka digayaa ku-milanka siyaasadda ee Ciidamada Qalabka Sida iyo in la siyaasadeeyo waajibaadka Ciidamada. Shacabka Soomaaliyeed waa ku mahadsanyahay mar walba garab istaaga Hay’adaha Amniga Qaranka.” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter-ka.

Shalay ayey aheyd markii taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage uu uga digay qeybaha ciidamada xoogga dalka iney ku milmaan siyaasada, isagoo xusay iney gutaan waajibaadkooda oo ah sugida amaanka iyo la dagaalanka wax loogu yeero argagaxisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -