Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo dagaal xoogan kula wareegtay degmada Balcad iyo ciidanka dowlada oo…

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhax maray Al Shabaab iyo ciidanka dowlada.

Sida aan wararka ku helmay Al Shabaab ayaana saakay markii la dukaday salaada subax dhoor jiho kasoo galay degmada Balcad , waxa ayna Al Shabaab weerar toos ah ku qaadeen xarumaha maamulka iyo ciidamada ee Balcad.

Ciidanka dowlada ayaa la sheegay in ay ka baxeen inta badan degmada Balcad, waxaana degmadaasi la wareegay howlgalo gaar ahna ka sameeyay dagaalyahanada Al Shabaab ee saakay weeraray.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka Al Shabaab ku qaadeen degmada Balacda, lamana oga ilaa hada khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=LF6NY7kPHTg

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo codsi muhiim ah u jeedisay dowladda Hindiya (Sawirro)

Cabdi Cade

Isku day loogu kala dab qaadi lahaa Farmaajo iyo Rooble oo guuldareystay

Caydiid Ali

Rugta Ganacsiga Soomaaliyed oo isku dayday in dekeda Xamar laga fasaxo bur dhacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---