Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Redwan Xuseen ayaa sheegay in dowladda Itoobiya uusan qorshaha ugu jirin inay gobolka Tigray ka bilowdo howlgal si ay u baacsadaan kooxda TPLF .
Redwan ayaa sheegay in ciidamada TPLF aysan si nabad ah uga bixin goobihii ay haysteen balse ay jab wayn la kulmeen.
Wuxuu sheegay in dowladdu ay gudan doonto waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada dalka, isla markaana ay xaq u leedahay in ciidamo federaal ah la geeyo dhammaan gobollada dalka oo uu ku jiro gobolka Tigray.
Danjire Redwan ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay baaqii todobaadkii hore ay Qaramada Midoobay soo saartay oo ahaa in la dhiso hay’ad dhanka xuquuqda aadanaha.
“wax la aqbali karo ma aha, Itoobiyana wax wada shaqayn ah lama yeelan doonto kooxdaas” ayuu yiri Danjire Redwan.
Wasiir ku xigeenka arimaha dibada Itoobiya oo sharaxaad ka bixiyay xaalada bini’aadantinimo ee ka jirta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in dawladu ay ku dadaalayso sidii ay gobolka Tigray u gaarsiin lahaayeen mucaawino, balse diidmada TPLF ay arrintan xagal daacinayso.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com