Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqalka Senate-ka oo ansixiyey danjiraha cusub ee Mareykanka u fadhin doona Somalia

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay in Larry Edward Andre, Jr. uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

danjire Larry Edward Andre, Jr ayaa wuxuu baddali doona danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay.

André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku dhowaad 50 qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo

Caydiid Ali

Muxuu yahay galka ciidanka cusub ee lagu wareejiyey Gudoomiye Madaale? (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo bilowday beegsiga ergooyinka doorashada Somalia ka qeyb galaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---