Raisul Wasaare bil ka hor la afgembiyey oo xukunka dib loogu soo celinayo

Millateriga Sudan ayaa qorsheynaya inay dib u soo celiyaan Ra’isul Wasaaraha xilka laga tuuray ee Abdalla Hamdok, kaddib heshiis laga gaaray xaaladda dalkaas.

Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo xal looga looga gaarayo xiissadda Sudan.

Hamdok ayaa xabsi guri la galiyay markii militarigu ay la wareegeen talada 25-kii Octobar, taasi oo meesha ka saartay isbedelkii dhanka dimoqraadiyadda ee lagu heshiiyey, kadib ridistii xukunkii dheeraa ee Cumar al-Bashiir ee sanadkii 2019-kii.

Sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Fadlallah Burma Nasir oo ah Madaxa Xisbiga Ummadda ee dalka Suudaan, Hamdok ayaa soo dhisi doona gole wasiiro oo madax-bannaan, isla markaanaa heshiiska ay gaareen Militariga iyo xisbiyada siyaasadda uu dhigayo in dhammaan maxaabiista siyaasadeed la sii daayo.

Dibad-baxyo rabshado wata ayaa Sudan ka dhacay toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaasoo lagu dalbanayay in xukunka dib loogu soo celiyo xukuumadda rayidka ah ee uu hoggaaminayay Ra’isul Wasaare Hamdok.

Ciidmada Amniga ayaaa lagu eedeeyay toddobaadkii hore inay dileen ilaa 15 qof oo dibad-baxayaal ahaa, hase yeshee hoggaamiyaha Militariga General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa dafiray inay dileen dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -