Kamala Harris oo mudo 85 Daqiiqo ah Madaxweyne ka aheyd dalka Mareykanka !!

Kamala Harris oo ah Madaxweyne kuxigeenka dalka Mareykanka ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay oo mudo daqiiqado kooban ah Madaxweyne ka noqota dalka Mareykanka gacantana ku dhigta awooda dalkaasi.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Mareykanka Kamala Harris ayaa mudo 85-daqiiqo ah Madaxweyne ka aheyd dalka Mareykanka xiligaas oo Madaxweyne Joi Biden uu baaritaan caafimaad marayay kuna jiray isbitaal .

Baaritaanka Joi Biden ayaa intii uu socday la sheegay in la suuxiyay taas oo keentay in awooda dalka Mareykanka iyo maamulkiisa lagu wareejiyo haweeneydii ugu horeesay oo Madaxweyne kuxigeen ka noqota Mareykanka .

Afhayeenka aqalka cad Jen Psaki ayaa sheegtay awood wareejinta noocan oo kale ah ay tahay wax iska caadi ah islamarkana ay qeyb ka tahay geedi socod uu dhigayo dastuurka, waxa ayna sheegtay in Madaxweyne kuxigeenka ay shaqadeeda ku wadatay Washigton .

Dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha dalka Mareykanka Kevin O’Connor, ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Joi Biden uu hada yahay mid wanaagsan uu ku gudan karo waajibaadkiisa qaran .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -