AMISOM oo shaacisay goobta lagu fulinayo Xukunka dilka ah ee lagu riday askartooda

Xukuno isugu jira dil iyo xabsi dheer ayaa lagu riday askar katirsan ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM ,kuwaa oo lagu helay dambi ah in ay si bareer ah u laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

War kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in askarta lagu riuday xukunada dilka ah iyo xabsiga dib loogu celin doono dalkooda si halkaasi lagula fuliyo xukunadii kala duwanaa ee lagu riday.

AMISOM warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay ilaalinta amniga shacabka iyo hantidooda marka ay howlgallada ka fulinayaan gudaha Soomaaliya.

Warkan kasoo baxay AMISOM ayaa imaanaya xili Wasiirka Cadaaladda  Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur sheegay In xukunkan fulintiisa ay dowladda Soomaaliya dabagal iyo hubin ku sameyn doonto meesha uu ka dhici doono isla markaana ehalada iyo qareenndoodu ay goob jooga ka ahaan doonaan uuna u dhici doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ciidamo katirsan AMISOM ayaa bishii July ee sanadkan si bareer ah todobo qof oo shacab ah waxa ay ugu dileen deegaanka Golweyn ee gobnolka Shabeelaha Hoose kadib qarax miino lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -