Cumar Finish oo qanciyay dad cabasho ka qabay Dhul Danguud ah oo la dhisanayay (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay guddi ka socday dadka ku dhaqan xaafadaha ku dhow Isbitaalka Laasaleeti.

Dadkan uu la kulmay Gudooiyaha Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka qabay dhismaha cusub ee ka socda qeyb kamid ah isbitaalkaasi oo dhawaan dadka deegaanka xoog ku joojiyeen.

Guddoomiye Cumar Filish oo ugu horeyn gudigaas ka dhageystay warbixin ku saabsan cabashadooda ayaa waxaa uu sheegay in dhulka isbitaalka uu yahay mid Danguud ah islamarkaana loogu talagalay in loogu adeego ummada Soomaaliyeed.

Cumar Finish ayaa sheegay in dhismaha haatan ka socda Isbitaalka Laasaleeti ay tahay Xarunta cusub oo ay ku howlgali doonto Wasaarada Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka DFS islamarkaana aysan jirin wax dhul boob ah oo ka socda goobtaasi.

- Advertisement -