Allbanaadir.com
NEWS

Simon Mulongo oo Layaabay Go’aanka Soomaaliya looga eryay iyo Sababta keentay

Qoraal dhawaan kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa dalka looga eryay Simon Mulongo oo ahaa Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay arimo kala duwan.

Simon Mulongo, ayaa markii ugu horeesay ka hadlay go’aanka dowlada Soomaaliya dalka uga ceyrisay, waxa uuna shaaciyay ilaa hada in uusan ogeyn waxa lagu heesto iyo sababta loo soo maray ceyrintiisa.

Waxa uu sheegay in uu aad ula yaabay go’aanka Soomaaliya looga ceyriyay, waxa uuna xusay in uusan ogeyn wax khalad ah uu sameeyay sidoo kale aan loo faah faahin sababta loo cugsaday ceyrintiisa.

“Aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah, luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,”. ayuu yiri Simon Mulongo.

Dowlada Soomaaliya ayaana diblumaasigan ku amartay in dalka uga baxo mudo isbuuc gudihiisa, waxa ayna dowlada ku eedeesay in uu gacmaha kula jiray shaqooyin aan aheyn kuwa loo igmaday sidoo kale sameeyay xadgudubyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirka Muqdisho weerar afka ahna ku qaaday Farmaajo

Cabdi Cade

Xildhibaannada labada Aqal oo ka dooday xaqa helidda xogta iyo ilaalinta xogta shaqsiga

Cabdi Cade

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---