(Sawirro) Madaxweyne Deni oo olole doorasho oo yaab leh ka sameeyey Qardho

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH ayaa galabta magaalada Qardho ka sameeyey oloe doorasho oo dad badan ka yaabiyey.

Deni ayaa albaabada ku garaacay qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Qardho, isagoo weydiistay codkooda inay siiyaan Urur Siyaasadeedka KAAH, oo ah kan hirgeliyay Nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee taabagalay.

Madaxweynaha waxaa weheliyay Guddoomiyaha KGM ah ee Degmada Qardho Maxamed Buraale oo sidoo kale ah Musharaxa  URURKA KAAH ugu tartamaya Guddoomiyaha degmada Qardho.

“Waxaan galabta albaabada ku garaacnay qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Qardho, oo aanu weydiisanay in ay codka siiyaan Ururka KAAH Doorashadda Golaha deegaanka ee berito dhacaysa” ayuu yiri Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

.

- Advertisement -