Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Kampala iyo Booliiska oo ka hadlay

Wararka ka imaanaya magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa sheegaya in xalay maqaayad kutaala magaaladaasi lagu weeraray qarax bambaano kaa oo dhaliyay khaasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa ka dhacay afaafka hore maqaayad kutaala xaafada Komamboga, oo ku taal duleedka waqooyi ee caasimadda Kampala, qaraxa ayaana dhacay 9-kii habeenimo xili maqaayada ay dad badan joogeen.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay sadex qof halka ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale , dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaana qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus .

Taliyaha booliiska Uganda Asan Kasingye, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitteerka ku xaqiijiyay qaraxa ka dhacay Kampala, waxa uuna sheegay taliyaha in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxan iyo cidii ka dambeesay.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan bambaano ee xalay ka dhacay magaalada Kampala, waxaana qaraxan kusoo aadaya xili qaar kamid ah dowladaha reer Galbeedka ka digeen weeraro argagaxiso oo ka dhaca magaalada Kampala.

Ciidamo badan oo booliis ah ayaa saakay lagu arkayaa magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda kuwaa oo xoojinaa amaanka magaalada oo laga xcbsi qabo in mar kale qaraxyo iyo weearro ka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -