Faah faahino kasoo baxaa dilka Dhuusomareeb loogu geestay Shaafi Xaaji Diiriye

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dila wiil dhalinyaro ah oo caan ka ah magaaladaasi oo lagu magacaabayay Shaafici Xaaji Diiriye.

Sida aan wararka ku helnay wiilkan dhalinyarada ah waxaa toogtay ilaalada guri ay ka degan yihiin magaalada Dhuusomareeb labo sanetor oo katirsan Aqalka sare ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya.

Wiilkan la toogtay ayaa la sheegay in uu watay gaari uuna marayay meel ku dhaw guriga ay Dhuusomareeb ka degan yihiin labo senetar oo aad u taageersan Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dilka wiilkan uu ka dhashay shaki kadib markii uu soo galay wado u xirneyd ilaalada senetarada, waxaana dilka wiilkna si weyn looga dareemay magaalada Dhuusomareeb.

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon dalka, lamana oga in ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen askartii ka dambeesay dilka ka dhacay Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -