Haweeney Booliis ah oo Hal Sabab Darteed u dishay Xubno badan oo katirsan Qoyskeeda

Haweeney horey uga tirsaneyd booliska Koonfur Afrika ayaa lagu helay dambi ah inay ka dambeysay dilka shan qof oo qoyskeedi ahaa iyo saaxibkeed kadib markii maxkamadda ay dhageysatay dacwadda gilgilshay dalkaas.

Nomia Rosemary Ndlovu ayaa la sheegay inay ku lug laheyd dilka 6 qof intii u dhexeeysay 2012 ilaa 2018 kadib markii ay kireysatay nin dadka toogta si ay u hesho lacago ceymis ah.

Haweeneydan 46 jirka ah ayaa ugu dambeyntii la xiray kadib markii ninkii ay kireysatay si uu u dilo walaasheed uu ku wargeliyay booliska.

Waxaana lagu wadaa in bisha nagu soo aadan lagu rido xukunka ay muteysan karto.

Nomia Rosemary Ndlovu waxaa sidoo kale lagu helay dambi ah isku day dil oo ka dhan ah hooyadeed Maria Mushwana iyo lacago ceymis ah oo si isdaba marin ah ay heshay kuwaas oo gaaraya $95,000 oo doolar.

Muddo saddex bilood ah oo ay socotay dhageysiga dacwadda, waxay dacwad oogayaasha shaaca ka qaadeen in si nidaamsan ay u qorsheysay lacagihii ceymiskii dhanka nolosha iyo kuwa duugta kadib dilka ehelkeeda.

Waxay markii ugu horreysay sanadkii 2012 dishay qof ay qaraabo dhaw ahaayeen oo la oran jiray Madala Homu, waxaa ku xigay walaasheed, saaxibkeed iyo dad kale.

Qofkii ugu dambeeyay ay dishay wuxuu ahaa qof lagu magacaabi jiray Brilliant Mashego kaas oo ay dishay bishii January sanadkii 2018.

Haweeneydan inta badan waxay kireysan jirtay nin dadka toogta balse sanadkii 2013 waxay haweeneyda sun siisay walaasheed oo markii dambe ay ciijisay.

Ninkii ay u kireysan jirtay inuu u fuliyo falalka dilka ah ayaa booliska ku wargeliyay, wuxuu ka caawiyay booliska inay sameeyeen howlgal qarsoodi ah si looga duubo waxa ay qorsheyneysay isla markaana gacanta loogu soo dhigo.

Markii haweeneydan ay booliska soo qabanayeen waxay xilliggaas qorsheyneysay inay qof qaraabo dhaw ay ahaayeen ay nolosha ku gudbto si ay u hesho lacago ceymis ah oo qoyska la siiyo, sida ay ku warrantay warbaahinta Times Live.

Intii ay socotay dhageysiga kiiskeeda, Ndlovu waxay beenisay inay ka dambeysay dilalkaas.

Balse dacwad oogayaasha ayaa soo saaray caddeymo muujinaya qaabka ay u fulisay dilka iyo sida ay uga faa’ideystay dilkaas gaar ahaan inay ku heshay lacago ceymis ah.

Source-Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -