Dayuuradaha Itoobiya oo duqeymo culus ka geystay Magaalada Makelle

Dayuuradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya ayaa duqeyn xoogan ka geystay magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigray

Warbaahin ay Maamusho Jabhadda xoreynta dadweynaha ee Tigray, kuwaasoo dagaal ku jira dowladda federaalka ee Itoobiya, ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah lagu dilay, tobaneeyo kalana lagu dhaawacay laba duqeyn oo halkaasi lagu qaadey.

Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku booriyey dhinacyadda kulugta leh dagaalka iney ilaaliyaan xabad joojinta jirta, si loogga fogaado in gobolka ay ka dhacdo masiibo bani’aadannimo

Tani waa markii uggu horeysay ee colaadda kow iyo tobanka bilood socota, oo duqeyn xagga cirka ah laga soo sheego magaalada Mekelle.

Dowladda ayaa beenisay iney wax weerar ah qaadey. Ka maqnaanshaha warbaahinta ee gobolka Tigray, ayaa ka dhigeysa wax addag in la xaqiijiyo jiritaanka warka soo baxey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -