Allbanaadir.com
NEWS

CC Warsame ” Ma fileyn Nin igu soo weeraray Gurigeyga in uu qiro kaalintii aan guusha dacwadda kulahaa”

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka falceliyay khudbad uu xalay jeediyay Madaxweyne Farmaajo uu uga hadlayay guusha laga gaaray dacwada badda Soomaaliya.

Musharax Warsame ayaa sheegay in lama filaan ku noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu ku eedeeyay in gurigiisa horey ugu soo weeraray in uu hadana qiro kaalinta uu ku lahaa guusha laga gaaray dacwada badda ee muranka galisay dowlada Kenya.

”Waxaan dhagaystay khudbad uu jeediyey Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday Farmaajo uu kaga hadlayey guushii dacwadda Badda, Kama filaynin nin gurigeyga igu soo weeraray in uu qiro kaalintii aan guusha dacwadda kulahaa, laakiin waxaan la yaabay in isaga iyo CBB-da xaafiiskiisa ay weli isku deyayaan in ay mugdi geliyaan Is-afgaradkii 2009-kii la saxiixay.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxa uu sheegay siyaasigan oo horey loogu eedeyn jiray in uu qeyb ka ahaa hogaamiyaashii dowlada Kenya ka gatay badda una saxiixay in Garsoorihii Maxkamadda, iyo qareeno ajnabi ah qireen in guusaha laf dhabar u aheyd heshiiskii uu saxiixay.
Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa shalay go’aamisay in Soomaaliya leedahay inta badan biyaha badda ee muranka galisay dowlada Kenya, waxaana go’aanka maxkamada si weyn usoo dhaweeyay Hogaamiyaasha iyo bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/07Ex1nDD79g

Related posts

Ciidamada booliiska Muqdisho oo saakay fashiliyay Qarax la doonayay in dad lagu dhibaateeyo

Cabdi Cade

Tirada dadka loo karantiilay cudurka Ebola ee dalka Kenya oo sii kordheysa

Caydiid Ali

Sheekh Shaakir oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---