RW Rooble: “Wax gorgortan ah kama galayno cadaalad u raadinta kiiska Ikraan Tahliil”

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mohamed Hussein Roble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad.

Qoyska ayaa mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha inay kulan la qaataan una soo gudbiyaan cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay  ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad.

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

Waxa uu RW Rooble qoyska Ikraan Tahaliil  uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin , waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda  balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo inshallah maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -