Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliban oo goob fagaare ku soo bandhigay meydadka dad ay dileen

Taliban ayaa meydadka afar qof ku soo bandhigay goob fagaare ah oo ku taalla magaalada galbeedka dhacda ee Herat.

Meydadkan ayay ka soo laalaadiyeen goob si digniin ay ugu diraan kooxaha wax afduubta, afarta qof ee la dilay ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falal afduub ah.

Raggan meydadkooda lasoo bandhigay ayaa la dilay kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen iyaga iyo Taliban, waxaana lagu eedeeyay inay qafaasheen nin ganacsade ahaa iyo wiilkiisa, sida saraakiisha gudaha ay sheegeen.

Mid kamid ah meydadka laga soo laalaadiyay wiish gudaha magaalada si farriin loogu diro kooxaha dadka afduubta.

Dhacdadan ayaa imaaneysaa xilli sarkaal sare oo ka tirsan Taliban uu sheegay in ciqaab xad dhaaf ah sida dil iyo gacan goyn ay ka billaaban doonaan Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo marti gelineysa shir caalami ah oo 14 dowladood ay ka qeyb galayaan

Caydiid Ali

Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab ka saaray degaan Muhiim ah

Caydiid Ali

Dowlad Yurub katirsan oo xarun lagu soo dhaweeyo Qaxootiga ka sameesanaysa Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---