Sheekh Caan ah oo Gabar u raadinaya Wiilkiisa iyo Shuruudo Adag oo ku xiran !!

Sheekha caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya ee wacdiya, Zakir Naik, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu wiilkiisa ugu raadinayo gabar uu guursado.

Qoraalka Sheekha ayaa waxaa la socda waraaqo ay ku qoran yihiin macluumaadka wiilkiisa iyo shuruudaha laga rabo gabadha uu la doonayo wiilkiisa Fariq.

“Waxaan xaas u raadinayaa wiilkayga Fariq, Waxaan u rabaa Gabar Muslim ah oo suubban oo leh akhlaaq wanaagsan, si ay wiilkayga iyo xaaskiisu u noqdaan laba qof oo midba midka kale u sheego wanaagga.”

Sheekha ayaa waxa uu intaasi ku daray, “haddii aad tahay aabbaha ama qaraabada gabar aad u malaynayso inay shuruudahaan buuxin karto, sidoo kalana oggolaata inay ka war doonto arrintan, waxaan si khushuuc leh kaaga codsan lahaa inaad ku soo jawaabto qoraalkan macluumaadka dheeriga ah ee loo baahan yahay.”

Fariq Zakir Naik oo dhashay 10-kii bishii July 1994-tii, oo dheererkisu yahay 170 sentimitar, kuna nool dalka Malaysia ayaa sharuudaha gabadha loo raadinayo waxaa ka mid ah:

1. In ay tahay gabadh Muslimad ah, ayna ugu dhaqanto sida ay diinta fareyso.

2. In sunnada ay aad ugu dedaasho inta karaankeeda ah.

3. In luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga ay taqaano.

4. In ninkeeda ay ku dhiiragelin karto dadaalka dawcwadda

5. In ay xaafidul Qur’aan tahay.

5. In ay diyaar u tahay in Malaysia ay degto.

6. In Shahaadadaa Koobaad ee ‘Bachelor Degree’ ay ka haysato diinta Islaamka.

7. In ay dhageysatay dhowr daaci oo ku wacdiya luuqadda Ingiriiska iyo qaar kale oo ku xussan warqadda hoose ee uu soo qoray Dr Zakir Naik.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -