Soomaali gubay kaniisado ku yaalla dalka Norwey oo xukun lagu riday

Maxkamada Racfaanka Gobolka Innlandet ee dalkan Norway ayaa Soomaali 29 jir ah ku xukuntay in lagu hayo xarunta dhimirka ee lagu hayo dadka geysta danbiyada.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin  ayaa lagu helay denbi la xiriira gubista kaniisada taariikhiga ah ee Dombås, iyo isku deyga kaniisad kale

Maxkamada hoose ee magaalada Lillehamar ayaa ninkan horey ugu xukuntay afar sano iyo labo bilood oo xabsi ah.

Hase ahaatee, qareenada ninkan u doodaya ayaa racfaan ka qaatay xukunkii hore, waxaana mar kale dib loogu fariistay dhageysiga kiiskan

Maxkamada ayaa codsatay in baaritaan lagu sameeyo Caafimaadka maskaxeed ee ninkan, gaar ahaana xiliga uu falkan geysanayay.

Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay, in marka la fiiriyo taariikhda caafimaad ee ninkan uu hayo nooc kamid ah xanuunada dhimirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -