Madaxweynihii hore ee Somalia oo Shaaciyay in Mukhtaar Roobow Afduub loo heesto

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga mid ahaa hogaanka Al Shabaab balse isku soo dhiibay dowlada loo geestay afduub siyaasadeed.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in xariga Abuu Mansuur uu yahay mid sharci daro ah oo salka ku haya arimo siyaasadeed, waxa uuna xusay in qaabka uu u xiran yahay Abuu Mansuur u muuqdo mid afduub oo kale ah.

”Sida loola dhaqmay Mukhtaar sax maahan ,“Waa la afduubtay, waxaan ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in xariga sharci darada ah ee loo geestay Abuu Mansuur Roobow ay curyaamisay go’aano ay qaadan lahaayeen saraakiil badan oo katirsan Al Shabaab oo damacsanaa in ay isku soo dhiibaan dhinaca dowlada.

“Dowladda Waxay gebi ahaanba xirtay in Shabaab ay hoggaamiyeyaal kale ka yimaadaan. Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo maanta waxay albaabka ka soo ooday dad muhiim ah oo hoggaamiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noqdaan”. ayuu yiri Xasan Sheekh.

Abuu Mansuur ayaa isaga oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed laga soo xiray magaalada Baydhabo bishii December ee sannadkii 2018-kii, waxa uuna wali ku xiran yahay xabsi ay maamusho Hay’adda NISA oo kuyaala Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -