Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo Baaq kasoo saaray Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaalida ee mudo xileedkiisi dhamaaday iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil-gaarsiinta ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, waxaana khilaafkan laga cabsi qabaa in dalka ka abuuro khalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Waxaa sii kordhaya wadamada Caalamka ee walaaca ka muujinaya khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare kuwaa oo labada dhinac ugu baaqaya in khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa loogu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble in ay wadahadal yeeshaan soona afjaraan khilaafka sii xoogeesanaya ee u dhaxeeya labada masuul.

Midowga Yurub qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May.

“Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub.

Waxaa horey baaqan oo kale usoo saaray qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya iyo dowlada Mareykanka kuwaa oo ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble khilaafkooda xaliyaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Mucaaradka Farmaajo oo maalinba maalinta ka danbaysa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho !!

admin

Biden oo xushay shaqsiga uu la rabo in uu u tartamoi xilka Madaxweynaha

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ee TICAD8 (Sawirro)

Cabdi Cade