Puntland oo War kasoo saartay Shirka Garawe ka dhacaya ee Rooble uusan ka qeyb galeyn

Madaxda Dowlad goboleedyada dalka ayaa ku balansan magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland in ay isugu yimaadaan shir wadatashi ah ay uga arinsanayaan xaalada dalka kaa oo soconaya 21 ilaa 23 September 2021.

Shirkan ayaana ah mid gaar ah oo yeelanayaan Madaxda dowlad goboleedyada  waxaana qoraal ay soo saareen Madaxda dowlad goboleedyada ku sheegeen in shirkan looga arinsanayo dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa sheegay in shirka magaalada Garawe uga furmaya madaxda dowlad Goboleedyada uga hadlayaan  iskaashiga dhexdooda.

Wasiir Dhabancad ayaana meesha ka saaray in Shirka Garawe ka furmaya  diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka , waxa uuna cadeeyay in shirkan ka duwan yahay shirarkii hore u dhici jiray.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Shirka Wadatashiga Qaran ee looga arinsanayo arimaha doorashada uu isugu yeeri karo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in shirkan hada dhacaya ka duwan yahay kuwii hore uuna yahay mid dastuuri ah.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo horey u iclaamin jiray shirka Madaxda Dowlad goboleedyada ayaana shaqo ku laheyn kulankan kana qeyb galeyn, lamana oga in saameyn ku yeelatay qoraakii Farmaajo awoodiisa ku dhimay.

Shirkan Madaxda dowlad goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Garawe ayaa imaanaya xili Farmaajo sheegay in uu dhimay awoodii Rooble uu ku maamulayay Doorashada iyo amaanka dalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -