Prof. Saciid Ciise: “Damdam iyo laab lakac Maamul dowladnimo laguma wadi Karo”

Musharaxa xilka Madaxweynaha Somalia Prof. Saciid Ciise Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan madaxda sare ee dalka oo maalinba Maalinta cirka isku sii shareeraya.

Prof. Saciid Ciise oo sidoo kale hogaamiyaha xisbiga Dadka ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha xiligu ka dhamaaday inuu dalka ku hogaaminayo wado horseedi karta burbur dowladnimo.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Prof. Saciid Ciise Maxamuud kaga hadlay arrimahan kaasoo u qorna sidan:-

——————————————————————————————–

Digdig iyo Damdam Dowladnimo Laguma Wadi Karo. Durbaan Tumid Raxmada Roobka Kuma Timaado. Rooble iyo Farmaajo waa in midkood uu noqdaa xilgaarsiin awooda sharciga ku fuliya hawlaha doorashada. Sida cad Farmaajo wuxuu is’hortaagey ku dhaqanka sharciga u degsan dalka oo uu ku hayo xanibaad lagu carqaladeynayo meelmarintiisa. Taas ayaa u baahan in loo saaro guddi soo baarta oo dacwad u gudbisa Maxkamada Sare.

Suurtogal ma ahan inuu sii haye noqdo shaqsi lagu tuhmayo inuu sharciga dalkiisa ku sameeyey horistaag iyo inuu yahay kaaliye gacan ku dhiigleyaasha ah dambiileyaasha xigtadiisa ah oo uu gabaad uga dhigayo si qaldan u adeegsiga awooda dowladda.

Marka ugu horeeya waa in dadaalka la isugu geeyo in meel la iska saaro arrinta ku gadaaman Farmaajo oo cadeyn buuxda ka bixin karta inuu sii noqon karo sii haye xil iyo inuu noqon karo musharax madaxweyne u tartami kara dib u soo noqoshadiisa.

Doorashada ha iska jiitanto awalba talo farmaajo kuma aysan socon, laakiin talada hogaanka dalka ha laga hoos bixiyo maamulka sirdoonka Qatar.

Roobka raxmada nimcadiisa wuxuu ku muujiyaa awood digniina oo ah onkod oo ay wehliso halista dilaanimada biriqda, laakiin hamiga roobka ujeedadiisa ugu muhiimsan waa biyaha xareeda oo sida ah dhibyarida iyo dhawaqyarida dooga iyo dalagaba u soo saarta.

Digniinta iyo dilaanimadu ma ahan mid cabir nuxur leh oo cudurdaara u noqon karta qiil wanaagsan oo ay ku dambeeyaan waxqabadka hawlaha dowladda, laakiin natiijada la hiigsanayo waa in hamigeedu ku dambeeyo tilaabo ka qaadis si toosa loo abaaro wax ka qabadka isha ay ka soo maaxaneyso dhibaatada oo xalinteeda ay ku diirsadaan inta badan dadweynaha.


 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -