Puntland oo War ka soo saartay talaabada uu Farmaajo shaqada kaga joojiyey Rooble

Maamulka Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamay warqadii ka soo baxday maanta xafiiska Madaxweynaha Somalia ee lagu sheegay in shaqada looga joojiyey raisul Wasaaraha Somalia.

Agaasime Ku xigeenka Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay nin talaabada Madaxweynaha la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashooyina ka bilowday dalka.

“Golaha Wadatashiga Qaran oo uu madaxda u yahay Raisul Wasaare Rooble ayaa hormuud u ah in wadanka doorasho ka dhacdo si nabdoon, loona helo dowlad fulisa Qorshaha Dowlad dhiska Soomaaliya ee ku cadaa heshiiskii 27 May 2021 ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran” ayuu yiri agaasime ku-xigeenka.

Waxaa uu intaas ku daray qoraalka Madaxweynaha uu qeyb ka yahay talo xumida lagu maamulayey dalka afartii sano ee la soo dhaafay.

“Waxaa waraaqdan ay qeyb tahay talo xumida lagu maamulayay wadanka afartii sano ee uu Xilka hayay iyo in ay ka go’an tahay inuu si kasta ku hor istaago in wadanka aysan doorasho ka dhicin” ayuu yiri Agaasime Ku xigeenka Madaxtooyada Puntland Timacade .

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay ka dib markii uu Ra’iisal wasaaraha ka weecday waajibaadkii loo igmaday xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -