Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Marwada koowaad ee dalka oo booqatay Baraawe, xarigana ka jartay.. (Sawirro)

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo xarigga ka jartay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka magaalada Baraawe ayaa ku bogaadisay bulshada deegaanka sida ay ugu garab istaageen hirgelintiisa.

Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyey Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in muhiimad weyn uu u leeyahay dadka ku dhaqan magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee ku xeeran oo baahi weyn u qabay adeeg caafimaad oo tayo leh.

“Caafimaadku waxa uu ka mid yahay adeegyada aasaasiga u ah bulshada, sidaas awgeed Isbitaalkan waxa aan ugu talo galnay wax ka qabashada dhibaatooyinka caafimaad ee soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.”

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa adkeysay muhiimadda ilaalinta xarumaha danta guud, iyada oo kula dardaarantay bulshada Baraawe in ay ilaashadaan dhismaha iyo agabka kale ee yaalla xarunta oo ah mid casri ah.

Dhanka kale, Marwada ayaa uga mahadcelisay howl-wadeennada Hay’adda Saynab Moallim Foundation dadaalka xooggan ee ay ku bixiyeen sidii loo hirgalinlahaa dhismahan xaruntan caafimaad, sidoo kale Marwadu waxa ay u mahadcelisay maamulka shirkadda Hass Petrolium oo gacan ka geystay qalabaynta xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Baraawe.

Safarka waxaa ku weheliyey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cali Siciid Fiqi, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamse Siciid Xamse, Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka Dr. Axmed Xuseen Macallin, Ku-simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada JFS Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada shacabka ku dhintay dagaalka 10ka sano ka socda Siiriya oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka horyimid muddo kororsiga DF Hanjabaadna u diray madaxda Soomaalida

Cabdi Cade

Ruushka oo soo saaray hub noociisa aan horey loogu arag dunida & Putin oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---