Nin Isku qarxin rabay goob Tacsi ka socotay uu ku sugnaa Sheekh Shariif oo la qabtay

Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa gacanta ku dhigay nin watay waxyaabaha qarxa oo la sheegay in uu doonayay in weerar ka geesto goob ay ka socotay tacsida iyo aaska ku xigeenkii taliyaha booliska dalka Uganda Paul Lokech.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in la fashiliyay weerar qorsheesan oo la doonayay in lagu qarxiyo goob ay ka socotay tacsida Paul Lokech ayna joogeen madax sare iyo saraakiil kala duwan.

Ninka ay qabteen ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa la sheegay in uu watay waxyaabaha qarxa gaar ahaan garan laga sameeyay iyo sidoo kale waxyaabo kale oo qarxisooyin ah uu adeegsan lahaa.

Madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaa ku eedeeyay weerarka la fashiliyay in ay soo maleegeen  koox fallaago ah oo saldhigeedu yahay dalka Congo, kuwaa uu sheegay in ay ka careesnaayeen xubno katirsanaa kooxdaasi uu xarigooda wax ka ogaa taliyaha dhintay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qeyb ka ahaa masuuliyiintii ku sugneed goobta tacsida ee sargaalkan reer Uganda ee la fashiliyay qaraxii la doonayay in lagu weeraro.

Taliyahan aaskiisa la doonayay in la qarxiyo ayaa kasoo shaqeeyay Soomaaliya isaga oo kamid ahaa saraakiishii ciidamada AMISOM, waxaana sargaalkan lagu naaneesi jiray Libaaxii Muqdisho isagoo kaalin ka qaatay dagaalkii Al Shabaab looga saaray Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -