Maxay ka wada hadleen Muuse Biixi iyo culimada caanka ah ee Soomaalida? (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah culimada Soomaalida ee ka qaybgalay kulan diimeedkii saddexaad ee Ansaaru-sunna ee dhawaan ka qabsoomay Hargeysa.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey culimada isaga timid waddamada deriska iyo daafaha caalamka, waxana uu ugaga mahadnaqay wacdiyadii iyo waanooyinkii arrimaha diinta la xidhiidhay ee ay maalmahanba siinayeen bulshada reer Somaliland.

Qaar kamid ah culimadda waaweyn ee kulanka ka qaybgalay oo ay ka mid yihiin  Sheekh Cabdirisaaq Cabdilaahi General Jiir, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Almis Yaxye,  Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike, Dr. Cali Maxamed Saalax iyo  Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay, iyaga oo si guudna Somaliland ugu  ammaanay nabadda iyo amniga taabbo-galka ah ee ka jira, isku-duubnida iyo midnimada shacabka iyo xukuumadda ka dhaxaysa iyo xiisaha bulshadu u qabto barashada diinta.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada waaweyn ee diinta magaca ku yeeshay, waxana uu caddeeyey inuu soo dhaweynayo khayrka iyo wanaagga ay culimadaasi dalka keeneen iyo muxaadarooyinkii ay bulshada u jeediyeen.

,“Ilaahay baa mahad leh nagu simay in intan oo culimo ahi noo timaaddo oo ay noo duceeyaan, ciddii khayrkaas iyo intaas oo culimo iyo ducadaas noo keentayna  waannu u mahadnaqaynaa, waannu jecel nahay intan oo culimo ah oo wanaagga iyo khayrka na farayaa inay If iyo Aakhiroba na xasuusiyaan waa hiil iyo garabgal aannu aad iyo aad u soo dhaweynayno.” ayuu yiri Muuse Biixi

Madaxweynuhu waxa uu culimada ka codsaday inay ummadda uga duceeyaan khilaafka iyo kala qaybsanaanta dhexdooda taalla, kuna waaniyaan inay is caawiyaan oo ay gacan qabtaan dadkooda jilicsan ee u baahan taakulaynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -