Hey’ada cusub ee Abeer Foundation oo Muqdisho lagu Daah furay (Daawo Sawirada)

Munaasabada Daah-furka Hey’ada Abeer Foundation ayaa lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho Munaasabada Daahfurka ayaa  Waxaa ka soo qeyb-galay Mas’uuliyiin Ka Socotay DFS, Ururada bulshada rayidka, Hey’adaha Caalamiga & local NGO’s-ka iyo Marti-sharaf Kale.

Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada ka hadlay Ku Xigeenka Agaasimaha Guud  Hey’ada Abeer Foundation Mudane: Hassan Abdi Awad Oo Faahfaahiyay Ujeedada loo aasaasay Abeer Foundation “Waxaan Ahay Aabe Soomaaliyeed Oo aad uga warqaba baahida caruurta baahiyaha gaarka qaba Markii Caruurteyda ku habsatay Musiibadii 15 August Oo aan caruurteyda isbitaalo Ku yaalo Germany & Turkey aan geeyay aad ayan ula tacaalay ilaah mahadii waxaa ii soo baxday in caruur badan  oo baahiyaha gaarka qaba garab & Hill ay inooga baahanyihiin si loo caawiyo ayaan abeer Foundation u abuurnay” “Inta aan noqon lagan dhobane waxaan go’aansaday inan noqdo gargaare”

Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka hadlay Abdirhman Abdulahi Galambi oo ah Gudoomiye Kubxigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed isgaaoo ku dheeraaday ahmiyada in la caawiyo caruurta soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah qaba “Hadii aan nahay  Ganacsatada Soomaaliyeed Waxaan diyaar u nahay inan Caawino caruurta baahiyaha gaarka ah qaba si gaar ah hey’ada Abeer Foundation oo ka turjumeyda Xaqiiqdii dareenka dhabta ah ay qabaan caruurta baahiyaha gaarka ah qaba”

Waxaa Sidoo Kale Munaadabada ka hadaway wasiirada Haweenka & Xuquuqul insaanka XFS Marwo:Xaniifo Xaafsade ayaa ka dhawaajisay “Muddooyinkii dambe waxaan aad ula macaamilay bulshada baahiyaha gaarka ah qaba waxaan garwaaqsaday inay yihiin dad han Sare leh Noloshoodana wax tari kara hadii ay helaan Bulsho dhiiragelineeysa oo Oo taageero dhaqaale & mid maskax ahaanba loo taageero”

Ugu dambeyntii waxaa Munaasabada Soo xiray Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mudane:Mahdi Khadar Guuleed oo ka dhawaajiyay “Waxaan si rasmi ah xariga uga jarnay Abeer Foundation maanta wixii ka dambeeyso waxa aan rajeynayaa in wax badan ku soo kordhiso caruurta soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah qaba Sidoo kale waxaan filayaa in Abeer Foundation Fikirkaan wanaagsan looga dayan doono oo aan arki doono  Abeer foundation farabadan oo daryeela caruurta baahiyaha gaarka ah qaba.

Abeer Foundation waa hey’ada kaliya U taagan Daryeelka caruurta baahiyaha gaarka ah qaba ayaa waxaa la filayaa in wax badan ka badasho xaalada caruurta naafada ee ku nool dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -