Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul wasaarha Somalia oo soo xiray Shir ka socday dalka Turkiga (Daawo Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Shirkaan uu soo xiray Ra’iisul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay.

Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ogow Sababta Soomaalidu u jeceshahay Isbedelka Maamulka Madaxtooyada ! (Xog iyo Xaqiiqo)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Ciidamo cusub oo loo diyaariyay in ay sugaan Amaanka Muqdisho

Cabdi Cade

Roobab 48 saacadood ka da’ayey Jabuuti & daadad culus oo kala xiray caasimada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---